Advertisements
Advertisements

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in la isku furi doono Jalalaqsi & Bula burde

Axad, jan 14, 2018(HNN) Deegano ka mid ah Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xiligan ku sugan dagaalyaano ka tirsan Al shabaab kuwaaso kala go’domiyay  isku socdka Magalooyinka  waa weyn ee Hirshabeelle.

Xildhibaan Faarax Maxamed Cisman oo ka mida Baarlamaanka Dowladda Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa sheegay  in dhawan la Furi doono wadooyinka Jalalaqsi, iyo Buulada Burde, iyo waddooyin kale oo ka tirsan Gobolada Gobol ee Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

dagaalyannada Al shabaab ayaa inta badan weeraro iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ku qaada Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee iskaga kala gudba degmooyinka iyo deegannada Maamulka Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)