Advertisements
Advertisements

Dagaal Ciidamada dowladda iyo Al shabaab ku dhaxamaray duleedka Baladweyne

jimco, jan 26, 2018(HNN) Hal Askari ka tirsana ciidamada milatariga ee gobolka Gobolka Hiiraan  ayaa ku dhintay iska horimaad ciidamada dowladda iyo Al shabaab ku dhaxmaray  duleedka koonfureed ee Magalaada Baladweyne.

Dagaalkan oo ka dhacay deeganka kambar laawe ayaa waxaa la sheegay inu bilowday kadib markii Al shabaab  ay weerar ku soo qaaday  farisiin ciidamada dowladda ku lee yihiin deeganka.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay  iska difaaceen weerarkan kooxda Al shabaab ku qaaday  farisiin ka ciidamada milatariga ay ku lee yihiin duleedka Magalaada Baladweyne.

Ugu dambeyntii Kooxda Al shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowlada ku lee yihiin qeybo ka mid ah gobolka iyado habeen ka hor Al shabaab ay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku lee yihiin Magalaada Buula burde.

Abdijamal Moalim Ahmed.

Hiilnews.com

Abduljamal20@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)