});

DAAWO SAWIRADA: Munaasabad lagu xusayo Maalinta dhir beerista Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho.

Isniin, April 17, 2018(HNN) Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusay  maalinta dhir beerista Soomaaliyeed oo ku beegan 17 April.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay  Wasiiro, xildhibaano iyo marti sharaf kale iyadoona ay soo qaban qaabisay munaasabaddan wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa  maamulka Hirshabeelle  Xuseen Cismaan Cilmi  ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn islamarkaana loo baahan yahay in dalka laga bilaabo barnaamij lagu wacyi galinayo beerida dhirta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamud maxamed maxamud iyo Agaasimaa guud wasarada xaanaanada xoolaha Maxamed Cumar  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay beertan  dhirta taasoo faa’iidooyin badan laga helo.

Xildhibaan  Cabdifitaax Qaasim oo ka mid ah xildhibannada golaha shacabka ee laga soo doortay Hirshabeelle ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaaliyaan dhirta.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabaddan ayaa dhamaantood shacabka ka codsaday in la joojiyo xaalufinta dhirta iyadoo ugu dambeyntii xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa lagu beeray geed dhireed.

S/Q Raxma Yuusuf Jimcaale.

Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)