Advertisements
Advertisements

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Booqday saldhigyada ciidamada dowladda ee Muqdisho.

khamiis, May 17, 2018(HNN) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga, guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah  saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo koontarooladda maagaaladda, iyagoo u kuur galayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka, iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa, kuwaasoo xalay ka dhacay Muqdisho, kaasoo qalqal geliyay dadka Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa.

“Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey, 2 Waaberi, 2  degmada Wadajir, ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabka”.Ayuu yiri Taliye Bashiir.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa faah faahin guud ka bixiyay ujeedka kormeerkan oo uu hoggaaminayay Ra’iiul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Caawa waxaa kormeer shaqo aan ku tagnay Saldhigyada, waxaana hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaan ka soo bilownay Kaaraan, illaa Galgalata,Suuqa Xoolaha,waxaan ku soo geba gebeynay ilaa magaalada Daafaheeda,si aan u ogaanno sida ay ciidamadu ay u sugayaan amniga Muqdisho,shacabka waxaan doonaynaa in ay ku kalsoonaadaan dowladooda,waxaana ka codsanaynaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka”ayuu yiri Wasiir Islow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga caasimadda, kuwaasoo howlgalo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)