Advertisements
Advertisements

Akhriso: Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay labo arin oo ka tagan Muqdisho

Arbaco, Juun, 13,2018(HNN) Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay dilal magaalada Muqdisho loogu geystay dhalinyarada ku xamaasha mooto bajaajta iyo xirnaasha jidadka.

Halkan hoose ka akhriso Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebok:-

Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga. Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajta ku xamaasha.

Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah.

Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona.

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay.

Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay.

Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood.

Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato!


Fikradaha Akhristayaasha (0)