Eden Hazard oo markale ka careysiiyay jamaahiirta kooxda reer London ee Chelsea

Eden Hazard oo markale ka careysiiyay jamaahiirta kooxda reer London ee Chelsea

Eden Hazard ayaa markle niyad jabiyay jamaahiirta kooxda Chelsea, kadib markii uu iska diiday inuu soo afjaro wararka ku aadan inuu isaga dhaqaaqi karo garoonka Stamford Bridge.

Laacibka reer Belgium ayaa xili ciyaareedkan kaga bilaawday kooxdiisa Chelsea si cajiib ah, wuxuuna si weyn kaga caawiyay guulihii ay soo gaaray, laakiin wuxuu markale ka dhawaajiyay suuratagalnimada uu kooxda kaga dhaqaaqi karo.

“Waxaan ku faraxsanahay la shaqeynta macalinka cusub ee kooxda, joogitaankeyga kooxda Chelsea wuxuu ahaa go’aan sax ah”.

“Waxaa heshiiskeyga ka harsan mudo labo sano ah, waxaa laga yaabaa inaan saxiixo heshiis cusub, sidoo kale waxaa suuragal ah inaanan saxiixin, laakiin hadda ma aqaano”.

“Waxaan doonayay kadib koobka aduunka inaan baxo, sababtoo ah riyadeyga xili kasta waxay ahayd inaan u dhaqaaqo dalka Spain”,

“Laakiin waxaan la hadlay maamulka kooxda iyo sidoo kale tababaraha waxaana go’aansaday inaan sii joogo garoonka Stamford Bridge, balse waxaa suuragal ah inaan ka tago Chelsea”.

Xigasho Gool FM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.