Champions League Sanadkan Waa Mid Isku Dheeli Tiran Sababtoo Ah Real Madrid Waxa Ay Lumisay Cristiano Ronaldo!!.

Champions League Sanadkan Waa Mid Isku Dheeli Tiran Sababtoo Ah Real Madrid Waxa Ay Lumisay Cristiano Ronaldo!!.

Talaaddo, October, 16, 2018(HNN) Tababarihii hore ee kooxaha Real Madrid, Bayern Munich, Paris Saint-Germain haatana ah midka horkacaya kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa  si faah-faahsan uga warramay sababta uu xilli ciyaareedkan tartanka Champions League u yahay mid sidii hore ka dheeli tiran.

Tartanka Champions League ayaa ahaa mid sanadihii ugu dambeeyay kooto ugu xidhan kooxda ree Spain ee Real Madrid balse shaqsiyaad badan oo uu ugu horreeyo tababare Ancelotti ayaa aaminsan in sanadkan aan waxbadan lakala fogayn.

 

Tababaraha ree Talyaani ayaa mar wax laga weydiiyay xaalada UCL ee xilli ciyaareedkan waxaana uu sheegay in tartanku uu yahay mid sidii hore ka furan sababtoo ah in Los Blancos aysan haatan haysan Cristiano Ronaldo oo ku biiray dhinaca Juventus.

Tababaraha ayaa yidhi “Real Madrid sanadkii hore waxa ay ku jirtay wakhti aad u adag bilawgii laakiin waxa ay intaa kaddib ku guulaysteen Champions League markale

“Xaalada maantu ma noqon doonto midii bishii April taas oo ah waxa dhabta ah ee ka dhacaya Champions League, Aniga ahaan waxay u muuqataa in Champions League uu xilli ciyaareedkan yahay mid aad u dheelitiran”

“Sababtoo ah Real Madrid oo ahayd kuwa ugu cad cad xilli ciyaareedkii hore waxa ay lumiyen ciyaartoy aad u muhiim ah, Sidaa darteed waxa ay noqon doontaa mid aad u dheeli tiran”

Leave a Reply

Your email address will not be published.