Kadib guushii ay ka gaareen xulka qaranka Spain muxuu ka yiri Harry Kane wararka lala xiriirinayo kooxda Real Madrid?

Kadib guushii ay ka gaareen xulka qaranka Spain muxuu ka yiri Harry Kane wararka lala xiriirinayo kooxda Real Madrid?

Talaaddo, October, 16, 2018(HNN) Weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa iska diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa, isagoo dhinaca kale sheegay in suurtagalnimada uu ugu biiriyo Real Madrid aysan xiligan ku habooneen.

Magaca Harry Kane ayaa lala xiriirinayay inuu u wareegayo Real Madrid intii lagu jiray suuqa kala iibsiga ee xagaaga lasoo dhaafay, iyadoo ay arintaas ilaa iyo haatan ay socoto.

Real Madrid waxay u baahan tahay inay lasoo wareegto weeraryahan cusub oo awood u leh inuu buuxiyo booska gooldhalinta ee Cristiano Ronaldo ka dib markii uu ka tagay suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Saxaafada ayaa isku dayeen inay kasoo saaraan Harry Kane kadib guushii ay kaga gaareen xulka Spain tartanka UEFA Nations League, xaqiiqada ku aadan inuu ka dhaqaaqayo kooxda Tottenham Hotspur.

Harry Kane oo la hadlayay wargeyska “Marca” kadib kulankii Spain ayaa wuxuu yiri: “Waan ka xumahay ku biiristeyda kooxda Real Madrid ma ahan manta”.

Xigasho Gool FM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.