Tababaraha xulka qaranka Argentina oo sheegay inuusan wax cudurdaar ah u raadin doonin maqnaanshiyaha Lionel Messi

Tababaraha xulka qaranka Argentina oo sheegay inuusan wax cudurdaar ah u raadin doonin maqnaanshiyaha Lionel Messi

Talaaddo, October, 16, 2018(HNN)Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa sheegay inuusan wax cudurdaar ah u raadin doonin maqnaanshiyaha Lionel Messi, isagoo sheegay inuu kalsooni ku qabo kooxda inteeda kale.

Lionel Scaloni ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay la ciyaari doonaan xulka qaranka Brazil, wuxuuna ka hadlay dhowr arimood ee ku saabsan xulkiisa Argantina.

“Ma jiraan wax kale aan ka fikirayo ee aan ka ahayn kaliya kulanka aan wada ciyaari doono Brazil, waxaan heysanaa hal bar-tilmaameed oo kaliya waana guul”.

“Waxaan heystaa ciyaaryahano aad u fiican, waxaana isku dayayaa inaan ku dhiso kulamada soo aadan aan ciyaari doono”.

“Waxaan ku sameenay xiliyadii lasoo dhafay tababaro garoomo aad u fiican ee raaxo leh, waxaana dooneynaa inaan qaadano kulan aad u xoogan ee aan ku farxad galin doono jamaahiirteena”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.