Daniel Sturridge oo ku guulaystay laacibka bisha ee Liverpool

Daniel Sturridge oo ku guulaystay laacibka bisha ee Liverpool

Arbaco, October, 17, 2018(HNN) Daniel Sturridge ayaa ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa kooxda Liverpool ee bishii dhamaatay.

29 jirka reer Ingiriis ayaa hal dhibic u soo dhiciyay Liverpool kulan ay 1-1 la galeen Chelsea horyaalka ingiriiska, tan iyo goolkaas wuxuu ku guulaystay dhawr abaal marin.

Taageerayaasha Liverpool ayaa u doortay xiddigii ugu fiicnaa kooxda ee bishii dhamaatay, wuxuuna abaal marintaan ka dul qaaday ciyaartoy uu kamid ah yahay Sadio Mane.

Daniel Sturridge oo ka hadlay abaal marinta bisha ee Liverpool ayaa yiri:

“Waa wax wanaagsan, waa guul fiican, bil wanaagsan ayeey ii ahayd, waxaan dareemay inaan caawiyay kooxda”.

 Xigasho Gool FM

Leave a Reply

Your email address will not be published.