Danilo oo OOHIN jabsaday Xalay kaddib Dhaawac ka soo gaaray kulankii Super Clasico

Danilo oo OOHIN jabsaday Xalay kaddib Dhaawac ka soo gaaray kulankii Super Clasico

Arbaco, October, 17, 2018(HNN) Danilo ayaa dhaawac looga saaray kulankii saaxiibtinimo ee xalay Sacuudiga ku dhex maray Argentina iyo Brazil.

Brazil ayaa gool soo daahay kaga adkaatay xulka Argentine kulan ay ka soo qeyb galeen taageerayaal badan iyadoona xulka Samba la guddoonsiiyay Koob kaddib guushoodii.

Danilo ayaa dhaawac canqowga lugta bidix garoonka looga saaray isagoona ooyin jabsaday taa oo muujineysa inuu dhaawacu noqon karo mid halis ah.

Waxaa garoonka looga saaray baabuurta lagu qaado ciyaartoyda dhaawacanta.

Daafaca Manchester City ayaan weli ku soo laaban tababarka buuxa ee kooxdiisa kaddib dhaawac uu ka qabay isla Canqowga uu xalay ka dhaawacmay.

Danilo ayaa awalba boos joogta ah ka waysanaa shaxda tababare Pep Guardiola, dhaawacan ayaana dib u soo dhigay fursadiisa.

 Xigasho Gool FM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.