Liverpool oo qarka u saaran in kooxda Barcelona ay ku garaacdo saxiixa Adrien Rabiot

Liverpool oo qarka u saaran in kooxda Barcelona ay ku garaacdo saxiixa Adrien Rabiot

Arbaco, October, 17, 2018(HNN) Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa maanta qoray in kooxda Liverpool ay qeyb kasoo noqotay loolanka loogu jiro saxiixa laacibka khadka dhexe kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot.

Saxiixa Adrien Rabiot ayaa waxaa ku dagaalamaya kooxaha waaweyn ee qaarada yurub, laakiin waxaa loolanka qeyb kasoo noqotay naadiga reer England ee Liverpool.

Barcelona ayaa dooneysa in ay sameyso saxiixa khadka dhexe reer France ee Adrien Rabiot suuqa furmi doono bisha janaayo ee soo aadan, maadaama heshiiskiisa kooxda PSG uu dhacayo sanada 2019, laakiin waxay loolan adag kala kulmi doontaa Liverpool.

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Spain ee “Mundo Deportivo” kooxda Barcelona ayaan bixin karin lacagaha mushaaraadka ay Liverpool u balan qaaday Adrien Rabiot.

Dhinaca kale wargeyska “L’Equipe” ee dalka France kasoo baxa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Juventus iyo AC Milan ay soo galeen liiska kooxaha xiiseenaya saxiixa kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot.

Xigasho Gool FM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.