Luka Modric oo Daaha ka rogay in Ciyaartoyda Real Madrid ay ku wada Khasaareen SHARAD ay ku galeen Ronaldo Dartii!!

Luka Modric oo Daaha ka rogay in Ciyaartoyda Real Madrid ay ku wada Khasaareen SHARAD ay ku galeen Ronaldo Dartii!!

Arbaco, October 17, 2018(HNN) Luka Modric ayaa daaha ka rogay in ciyaartoyda Real Madrid ay ku wada guul darreysteen Sharad ay ku wada dhigteen in Cristiano Ronaldo uu joogi doono kooxda ka hor inta uusan u dhaqaaqin Juventus.

Xiddiga reer Portugal ayaa sagaal sano uu ku sugnaa Bernabeu kaddib heshiis qaali ah ugu dhaqaaqay camaaliqada reer Spain.

Xiddigaha Los Blancos oo idil ayaa ku kalsoonaa in Ronaldo uu kooxda la sii joogi doono iyagoona sharad ku wada galay qolka dhar badelashada.

Picha inayohusiana

“Ma aaminsaneyn in Zidane iyo Ronaldo uu midkood ka tagi doono kooxda,” Modric ayaa sidaa yiri.

“Markii uu soo shaac baxay xanta ku aadan in Ronaldo uu tagi doono, qolka dharbadelashada ayaan sharad ku galnay, waan hubnay inuu joogi doono, laakiin qofkasta isagaa sameysta dooqyada noloshiisa.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.