SAWIRRO: Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay guddiga tacliinta sare ee Turkiga

SAWIRRO: Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay guddiga tacliinta sare ee Turkiga

Arbaco, October, 17, 2018(HNN) Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maagalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay guddiga tacliinta saree Turkiga.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta waxbarashada, iyo siddii guddiga tacliinta sare ee Turkiga ay kaalin uga geysan lahayeen tababarida macalimiinta Soomaaliyeed.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Maxamed Caydiid iyo  u qaybsanaha  waxbarashada ee safaaradda  Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in guddiga ay ka wada hadleen siddii ay door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada dalka iyo tababarka macalimiinta.

“Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaan kulan kula qaatay  guddiga tacliinta sare  ee dalka Turkiga, waxaan  ka wada hadalnay arrimo ay ka mid yihiin horumarinta waxbarashada.,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay siddii guddoonka YOK ay door muhiim ah uga qaadan lahayeen  tababarida  macalimiinta dugsiyada  sare ,dugsiga sare ee farsamada gacanta , korantada ,xanaanada xoolaha ,beeraha iyo  kaluumaysiga”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in wasaaradda  ay  dadaal ugu  jirto siddii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.