Tababare si lama filaan ah ugu sheegay Perez inuu diyaar u yahay buuxinta booska Julen Lopetegui

Tababare si lama filaan ah ugu sheegay Perez inuu diyaar u yahay buuxinta booska Julen Lopetegui

Arbaco, October, 17, 2018(HNN) Saxaafada dalka Spain ayaa baahisay magaca tababare si joogto ah ula xiriira Madaxwaynaha Real Madrid si loogu badalo booska Julen Lopetegui.

Tababaraha reer Spain ayaa qabtay shaqada Real Madrid waqti yar ka hor inta uusan bilaaban xiliciyaareed kaan, laakiin wuxuu ku fashilmay inuu guulo gaarsiiyo kooxda.

Real Madrid wax guul ah ma gaarin 4-kulan oo xiriir ah, waxaana taas ka sii daran in kooxdu aysan wax gool ah dhalin 4-taas kulan.

Tababaraha reer Denmark ee Michael Laudrup oo horay ugu soo ciyaaray Real Madrid ayaa la sheegay inuu si joogto ah ula xiriiro Perez si uu fursad ugu helo inuu badal u noqdo Lopetegui oo xaalku uu ku xunyahay.

Michael Laudrup ayaa sifiican u fahansan La Liga, wuxuuna tababare u soo noqday kooxda Getafe sidoo kale wuxuu si wada jir ah ugu soo ciyaaray Barcelona iyo Real Madrid.

 Xigasho Gool FM

Leave a Reply

Your email address will not be published.