Giorgio Chiellini oo go’aamiyay sida uu ka yeeli doono mustaqbalkiisa, kadib marka uu ka fariisto xifada kubada cagta

Giorgio Chiellini oo go’aamiyay sida uu ka yeeli doono mustaqbalkiisa, kadib marka uu ka fariisto xifada kubada cagta

Khamiis, October, 18, 2018(HNN) Kabtanka kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa shaaca ka qaaday sida uu noqon doono mustaqbalkiisa, kadib xirfadiisa kubada cagta, sanadaha kooban ee soo aadan.

Giorgio Chiellini ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee ku saabsan xirfadiisa kubada cagta.

“Marka aad 20 illaa 25 sano jir tahay, waxaad dareemaysaa inaad sii ciyaari doonto kubada cagta waligaa, laakiin waa inaad horey fiirisaa, kadib markaad gaarto da’aada 35 jir, xirfadaada kubada cagta way soo idlaatay, waxaadna bilaabeysaa nolol kale ee cusub”.

“Waxaan doonayaa inaan kusii dhex jiro xirfada kubada cagta xitaa ka dib markii aan fariisto mustaqbalka, waxaan doonayaa inaan door weyn kusii yeesho”.

“Waa inaan wax ka bartaa waayo-aragnimadeyda, anigoon ku fikirin inaan ogaado wax walba, sababtoo ah waxaan lasoo ciyaaray kooxda Juventus iyo xulka Talyaaniga”.

Si kastaba Giorgio Chiellini ayaa noqday kabtanka koowaad ee kooxda ka dib markii uu Buffon ka tagay xagaagii hore, waxaana qandaraaska uu kula joogo Bianconeri uu dhacayo xagaaga 2020.

 Xigasho Gool FM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.