Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Khamiis, October, 18, 2018(HNN) Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidammadii dhawaan galay agagaarka xafiikiisa inay qorsheynayeen inay dilaan isaga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray ciidammada inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynayay.

Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gubanayay.

“Xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya/

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii, Dacwad oogayaasha Itoobiya ay shan qof ku rideen xukun ah inay argagixiso yihiin kuwaaso isku dayay inay dilaan ra’iisul wasaaraha kaddib markii bamboo gacmeed lagu tuuray isu soo bax siyaasadeed uu ra’iisul wasaaraha dadweyne kula hadlayay.

Xigasho BBC.

Leave a Reply

Your email address will not be published.