Duqeyn dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay jubbada hoose

Duqeyn dad rayid ah  ku dhinteen oo ka dhacay  jubbada hoose

Jimco, October, 19, 2018(HNN) Wararka ka imaanaya deegaanka Buullo Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xalay duqeyn ay ka geesten diyaarado dagaal.

Duqeynta ayaa lagu soo waramaya inay ku dhinteen saddex ruux oo shacab ah islamarkana xoolo dhaqato ahaa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Buulo Xaaji ayaa sheegay in  hof kale oo ku dhaawacmay duqeyntan  la geeyay Isbitaal ku yaalla Magalada Kismaayo,isaga oo walaac ka muujiyay duqeymaha dadka rayidka ah lala beegsanaayo.

Madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay arrintaasi ilgaar ah ku hayaan,isla markaana kala hadlaan dadka duqeymaha geysanaya.

Ciise Cabdi Ciise.

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.