Wasiirka waxbarashada XFS oo sheegay in la dhisayo guddiga tacliinta sare ee dalka

Wasiirka waxbarashada XFS oo sheegay in la dhisayo guddiga tacliinta sare ee dalka

Jimco, October, 19, 2018(HNN) Mudane Cabdulahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada  xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo maanta ka qeyb galay barnaamijka  kulanka todobaadka oo ka baxa warbaahinta qaranka ayaa tilmaamay in wasaaradda ay wado qorshe lagu dhisayo guddiga tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka wabxarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in guddigan ay dib u habeyn ku sameyn doonaan tayada waxbarashada jaamacaddaha dalka, si loo hubiyo tayadooda.

“Wasaaradda waxbarashada waxay qorsheyneysa in la sameeyo guddiga tacliinta sare ee dalka si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada jaamacadaha dalka, islamarkana loo ogaado tayadooda” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka.

Wasiirka waxbarashada dalka Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in sannadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in jaamacadda Ummadda ay  awood u yeelato in sannad kasta ay qaadato 10,000 oo ardey.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo hadda si lacag la’aan ay  wax uga bartaan ardey Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya ayaa diyaarisay islamarkaana qeybisay manhajka cusub ee fasalada koowaad ilaa afaraad.

Ciise Cabdi Ciise.

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.