ANOTHER DEFEAT: Levante Oo Ka Tallaabsatay Real Madrid

ANOTHER DEFEAT: Levante Oo Ka Tallaabsatay Real Madrid

Sabti, October, 20, 2018(HNN) Kulankan oo qaybtiisi hore lagu kala nastay 2-0 ayaa markii la isku soo laabtay waxa ay Real Madrid ku guul darraysatay in ay ciyaarta kadhigto bar-baro.

Real Madrid ayaa waxaa daqiiqaddii 72-aad ee ciyaarta gool usoo celiyay xidigooda garabka bidix ee daafaca Marcelo goolkaas oo uu caawinteeda lahaa Karim Benzema.

Levante ayaana wixii intaas kadanbeeyay bilawday in ay ciyaarta u rogto qaab difaac, taas oo u suura galisay in ay ciyaarta ka gaarto guul muhiim ah.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Levante oo xaaladda kusii xumaysa Real Madrid.

Natiijadan ayaana ah mid mugdi sii galin doonta shaqada tababaraha kooxda Madrid Julen Lopetegui kaas oo lala xiriirinayay in laga eryi doono shaqada uu ka hayo kooxda ka ciyaarta La Liga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.