Burcad badeed Soomaali ah & ilaalo hubeysan oo ku dagaalamay badweynta India

Burcad badeed Soomaali ah & ilaalo hubeysan oo ku dagaalamay badweynta India

Sabti, October, 20, 2018(HNN) Burcad-badeed Soomaali ah ayaa weeraray Markab laga leeyahay dalka Hong Hong kaasoo marayay  xeebaha bari ee Soomaaliya, iyadoo arintana ay soo nooleysay khatarta joogtada ah ee burcad-badeedu ku hayaan xeebaha geeska Afrika

Koox ka kooban afar burcad-badeed oo ku hubaysan qoryaha AK-47, isla markaana la socday dooni yar ayaa weeraray Markabka MV KSL Sydney oo marayay meel 340 nautical miles u jirta Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xarunta IMB ee la socota dhaqdhaqaaqyadda Burcadbadeeda ayaa lagu sheegay in markabkaasi uu halis galay ,laakiin ay iska caabiyeen Ciidamo saarnaa ee ilaalo ka hayay.

Dhammaan shaqaalihii iyo waxyaabihii saarnaa Markab waa ay badqabaan sida ay xaqiijisay Shirkadda leh Markabka la weeraray.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Midowga Yurub ee ka howlgalla Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldareystay in la qabto kooxdii burcada aheyd ee weerartay Markabkan.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.