Man United Iyo Chelsea Oo Barbaro Ku kala Baxay kulan Madadaalo Lahaa Oo Kusoo Idlaaday Stamford Bridge

Man United Iyo Chelsea Oo Barbaro Ku kala Baxay kulan Madadaalo Lahaa Oo Kusoo Idlaaday Stamford Bridge

Sabti, October, 20, 2018(HNN) Kulankan oo qaybtiisi hore kusoo idlaaday 1-0 ayaa markii la isku soo laabtay waxaa aya ciyaartu kusoo idlaatay bar baro 2-2.

Manchester United oo qaybtii hore laga dareemayay habacsanaan ciyaareed ayaa qaybtii danbe latimid ciyaar qurux badan, waxaana goolka bareejada u keenay xidigooda Anthony Martial kaas oo daqiiqaddii 55-aad shabaqa gaaray.

Halka isla Martial uu daqiiqaddi 73-aad hoggaanka uu ku siiyay gool qurux badnaa oo uu ka dhex laaday xerada ganaaxa ee kooxda Chelsea.

Chelsea oo isku dayday in ay iska soo celiso goolka lagu leeyahay ayay u suurta gashay in ay goolka barbaraha latimaddo daqiiqaddihii dheeriga ee lagu dary 90-ka daqiiqo.

Kulanka ayaana kusoo idlaaday 2-2 barbaro ah oo labada kooxoodba ay isku garba dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.