Qarax ka dhex dhacay guri ku yaalla Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Qarax ka dhex dhacay guri ku yaalla Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Sabti, October, 20, 2018(HNN) Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay guri ku yaalla xaafada Buulo-mugdi oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida dadka deriska ah ay sheegayaan qaraxan ayaa yimid ka dib markii nin ka mid ahaa qoyska gurigaas degan uu garaacay waxyaabo qarxa oo duugoobay, si uu ugala baxo Maar.

Goob joogayaal ku sugan degaanka ayaa ku waramay in qaraxaas uu ku dhintay ninkii garaacayey walaxda la qaraxday, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo ka tirsanaa qoyska degenaa gurigaas.

Qaraxa ka dib waxaa goobtaas isugu soo baxay dadka fara badan oo ka tirsan degaanka, sidoo kale waxaa halkaas gaaray masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maamulka degmada dayniile oo u kuur galayey dhibaatada halkaas ka dhacday.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.