SAWIRRO: RW Kheyre oo kormeer ku tagay ilaha dhaqaalaha dalka.

SAWIRRO: RW Kheyre oo kormeer ku tagay ilaha dhaqaalaha dalka.

Sabti, October, 20, 2018(HNN) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa maanta kormeer ku tagay  dekedda Muqdisho iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Ku simaha wasiirka maaliyadda ahna wasiiru dowlaha wasaaradda naaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim  ayaa ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay xarunta , isagoo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli uruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Xassan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeeray dekedda magaalada Muqdisho,isagoo kormeeray xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho, waxana kulan uu la qaatay  maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.