Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed

Sabti, October, 20, 2018(HNN) Jen. Indha Qarshe ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loogu sameeyay Kismaayo, isagoo tilmaamay in safarkiisa uu ku saabsan yahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka.

Waxaa uu sheegay in Taliska qeybta 43aad uu yahay mid muhiimad weyn u leh la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa kormeer ku tagi doona deegaanada Baar Sanguuni iyo duleedyada magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ciidamada iyo dagaalka Shabaab.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.