Akhriso: Guddoomiyaha degmada Baladweyne oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Akhriso: Guddoomiyaha degmada Baladweyne oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Axad, October, 21, 2018(HNN) Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii  degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Baladweyne ayaa loo magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim (Food-cadde) oo horey u soo noqday guddoomiyaha degmada Baladweyne.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa wareegtan uu soo saaray ku sheegay in tallo soo jeedin ka timid xildhibannada laga soo doortay Baladweyne kadib uu xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Baladweyne.

Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow ayaa dhowr mar soo noqday guddoomiyaha degmada Baladweyne.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.