Chelsea oo go’aan weyn ka qaadaneysa Eden Hazard, xilli si aad ah loola xiriirinayo Real Madrid!

Chelsea oo go’aan weyn ka qaadaneysa Eden Hazard, xilli si aad ah loola xiriirinayo Real Madrid!

Axad, October, 21, 2018(HNN) Tan iyo markii uu Eden Hazard ka dhawaajiyay inuu ku faraxsanyahay Chelsea isla markaasna uu diyaar u yahay inuu xirfaddiisa Stamford Bridge ku dhammeysto, waxaa kooxda Chelsea ay qorka u saarantahay inay ka dhigaan laacibka ugu mushaaraadka badan horyaalka Ingiriiska.

Hazard ayaa ka fikiraya inuu heshiis cusub u saxiixo Blues, waxaana uu diyaar u yahay inuu dhabarka aaddiyo kooxdii riyadiisa ahayd ee Real Madrid.

Chelsea waxa ay sugeysay muddo sanad ah inuu Captain-ka Belgium qalinka dul dhigo heshiis uu ku qaadanayo £300,000- toddobaadkii, balse hadda waxa ay rajeynayaan inay sare usii qaadaan mushaaraadka ay usoo bandhigayaan.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa wada hadallada heshiis kordhinta dib ula fureysa Hazard ka hor ciidda Christmas-ka, waxaana diyaar ay u yihiin inay £350,000 toddobaadkii faraqa ugu shubaan.

Kubbad sameeyahan farsamada badan ayaa hadda Blues ka qaata mushaar dhan £200,000 toddobaadkii, iyadoo ay kaga harsantahay keliya 18 bilood.

Hazard ayaa ka sare-mari doona xiddigaha kala ah Paul Pogba oo Manchester United £290,000 toddobaadkii ka qaata iyo Mesut Ozil oo Arsenal ka hela £306,000 toddobaadkii.

Hazard ayaa xittaa dhaafi kara Alexis Sanchez oo ah xiddigga ugu mushaarka badan Premier League-ga kaasoo United ay toddobaadkii faraqa ugu shubto £315,000.

Leave a Reply

Your email address will not be published.