Kooxda Inter Milan oo Fariin dareen leh u dirtay Kabtanka Barcelona Lionel Messi

Kooxda Inter Milan oo Fariin dareen leh u dirtay Kabtanka Barcelona Lionel Messi

Axad, October, 21, 2018(HNN) Kooxda reer talyaani ee Inter Milan ayaa fariin dareen xambaarsan u dirtay Kabtanka kooxda Barcelona iyo Xulka Argentina Lionel Andreas Messi.

Lionel Messi ayaa dhaawac dhanka garabka ah uu kasoo gaaray xalay qeybtii koowaad ee ciyaarta kulankii kooxdiisa ay wajahday naadiga Sevilla.

Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa wada ciyaari doona kulan katirsan koobka xiisaha badan ee UEFA Champions league.

Sikastaba Messi ayaa la rajeenayaa inuu garoomada ka maqnaado ugu yaraan seddex todobaad inkastoo dhaawaciisu uu ahaa mid aad u xoogan.

Inter Milan ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay qoraalkan, ” waan ka xunahay inaan maqalno dhaawacaaga iyo in aysan macquul aheeyn inaan ku wajahno adigoo Barcelona u ciyaaraya.

” Markasta waa inoo sharaf inaan ka hortagno kuwa wanaagsan soo kabasho wacan Leo.” ayeey Inter Milan soo dhigtay barteeda Twitterka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.