Laacib diirada u saaran kooxaha Liverpool iyo Juventus oo qarka u saaran in heshiis cusub uu u saxiixo kooxdiisa.

Laacib diirada u saaran kooxaha Liverpool iyo Juventus oo qarka u saaran in heshiis cusub uu u saxiixo kooxdiisa.

Axad, October, 21, 2018(HNN) Laacibka diirada u saaran kooxaha Liverpool iyo Juventus Adrien Rabiot ayaa qarka u saaran in qandaraas kordhin uu u sameeyo kooxdiisa Paris Saint Germain.

Xiddigan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka caga jiiday in heshiis cusub uu la galo Paris inkastoo wararka haatan soo baxayo ay sheegayaan in laacibkan uu doonayo inuu kooxdiisa sii joogo.

Qaar kamid ah Kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub ayaa dhowr jeer isku dayay saxiixa laacibkan waxaana kamid ah Bianconeri iyo Reds.

Sida uu baahiyay Canal + laacibka reer France ee Adrien Rabiot ayaa la rajeenayaa in kooxdiisa uu u dhawaan u saxiixo heshiis waqti dheer ah.

Adrien Rabiot sidoo kale waxaa doonayaan adeegiisa kooxaha Barcelona iyo Ac Milan kuwaasi oo laacibkan doonayey ilaa iyo suuqii xagaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.