Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Suudaan

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Suudaan

Axad, October, 21, 2018(HNN) Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa booqday xarunta safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay dowladda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Suudaan geerida ku timid madaxweynihii hore ee Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab.

Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo agaasimaha waaxda carabta Mudane Mustafa Aadam Dagaal.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, ummadaha carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Siihayaha safaaradda suudaan ee Soomaaliya Mudane Lataliye / Abdirahim Tajuddin Alzain, ayaa soo dhaweyay wasiirka iyo xubnaha la socday.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.