Wax ka ogaaw 5-cayaaryahan oo Juventus dooneyso inay bisha Janaayo soo iibsato

Wax ka ogaaw 5-cayaaryahan oo Juventus dooneyso inay bisha Janaayo soo iibsato

Axad, October, 21, 2018(HNN) Kooxda Juventus maamulkeeda waxaa laga soo xigtay in bisha Janaayo suuqa gali doonaan kooxdan si saxiixyo muhiim ah u sameeyaan madaama dul duleelo ka muuqdaan Marwada Duqda.

Haddaba Calcio Marceto ayaa qortay in Juve u baahan tahay daafac dhexe tayo wanaagsan madaama daafacyadeeda duqoobeen kuwooda ugu muhiimsan.

Sidoo kale Juve waxay u baahan tahay weeraryahan tayo wanaagsan Mandzukic la tartami karo mararka qaarna Ronaldo lagu nasin karo.

Culees kale wuxuu ka jiraa in Juve ay u baahan tahay cayaaryahan khadka dhexe tayo wanaagsan madaama Sami Khedir dhaawaciisa batay.

Fadlan hoos kaga bogo 5-cayaaryahan oo Juventus lala xariirinaayo laguna kalsoon yahay bisha Janaayo qaar ka mid ah inay gacanta kusoo dhigi karto:

Weerarka: Alvaro Morata (Chelsea), Krzysztof Piatek (Genoa)

Daafaca dhexe: Matthjis de Ligt (Ajax)

Khadka dhexe: Gaston Pereiro (PSV), Sergej Milinkovic-Savic (Lazio)

Leave a Reply

Your email address will not be published.