24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

Isniin, October, 22, 2018(HNN) Qodobka 1-aad: Real Madrid oo kalsoonida kala laabaneyso tababare Julen Lopetegui waxaana lagu badali doonaa Santiago Solari.

Qodobka 2-aad: Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in kooxdiisa wax qorshe ah u diyaaranin sidii Neymar dib loogu soo celin lahaa Camp Nou.

Qodobka 3-aad: Marcelo ayaa kooxdiisa Real Madrid weydiistay in laga iibiyo naadiga Juventus xili uu ku niyad jabsan yahay sii joogista caasimada Spain.

Qodobka 4-aad: Real Madrid ayaa dooneyso bisha Janaayo inay si la yaab leh kusoo qaadato Zlatan Ibrahimovic oo 37-jir ah kana tirsan naadiga LA Galaxy.

Qodobka 5-aad: Bayern Munich ayaa xaqiijisay in Franck Ribery dhaawac ku seegayo kulanka habeen dambe wajahayaan naadiga AEK Athens kana tirsan Champion-ka.

Qodobka 6-aad: Radja Nainggolan, Ivan Perisic iyo Marcelo Brozovic ayay u badan tahay inay seegi doonaan kulanka arbacada Inter la cayaareyso naadiga Barcelona.

Qodobka 7-aad: Arsenal ayaa hogaanka u qabatay loolanka loogu jiro xidiga reer Turkey Cengiz Under ee kooxdiisa Roma dul dhigtay 52-milyan oo pound.

Qodobka 8-aad: Cayaaryahan Eden Hazard ayaa dhaawac kusoo baxay kaasi oo u diidi karo labada kulan ee Blues kusoo wajahay inuu cayaarayo BATE Borisov iyo Burnley.

Qodobka 9-aad: Qoyska reer Glazer ee Man United iska leh ayaa diidan gacantooda kooxda inay ka baxdo inkastoo 5-bilyan oo doolarka Mareekanka ah dalab kaga yimid dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman.

Qodobka 10-aad: Kooxda West Ham ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in cayaaryahankeeda Andriy Yarmolenko oo 28-jir ah garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan 6-bilood ayadoo qaliin dhanka jilibka ah looga sameenayo.

Qodobka 11-aad: Anthony Martial ayaa beeniyay in xiriirka kala dhaxeeyo macalinkiisa Jose Mourinho uu yahay mid aan wanaagsaneyn.

Qodobka 12-aad: Kooxda Dortmund oo xidig weyn ka dhigtay 18-jirka Ingiriiska ah Jadon Sancho ayaa haatan dooneyso inay gacanta kusoo dhigto sedexda wiil Ingriiska ah ee kooxahooda fursada badan siinin Phil Foden (Man City), Callum Hudson-Odoi (Chlelsea) iyo Bobby Duncan (Liverpool).

Qodobka 13-aad: Adrien Rabiot oo 23-jir ah ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna u dhow yahay kooxdiisa PSG heshiis cusub inuu u saxiixo.

Qodobka 14-aad: Barcelona ayaa isha la raaceyso xidiga naadiga River Plate Exequiel Palacios waa 20-jir kana cayaaro khadka dhexe.

Qodobka 15-aad: Eden Hazard ayaa lagu wadaa inu Chelsea u saxiixo heshiis cusub oo shan sano ah wuxuuna todobaad walbo qaadan doonaa aduun lacageed oo gaarayo £350,000.

Qodobka 16-aad: Alexis Sanchez ayaan soo xaadirin tababarkii ugu dambeeyay Man United isugu diyaarineyso kulanka ay Juventus wajaheyso habeen dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.