Arsenal Oo Kulanka Leicester City Isha Ku Haysa Rikoorkan Taariikhiga Ah.

Arsenal Oo Kulanka Leicester City Isha Ku Haysa Rikoorkan Taariikhiga Ah.

Isniin, October, 22, 2018(HNN) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kulamadii ubdanbeeyay kujirtay jawi qurux badan iyaga oo guulaystay dhammaan sagaalkii kulan ee u danbeeyay.

Kooxda tababare Unai Emery ayaa si wacan iskula qabsatay kadib 2-guul darro oo ay kufurteen ololahan bilawga ah, iyada oo dhammaan ciyaartooyda Gunners ay yihiin kuwa intooda badan badqaba.

Yeelkeede kulanka Arsenal vs Leicester (10:00 habeenimo xiliga geeska Afrika) Arsenal ayaa caawa waxay raadineysaa in ay guukaysato kulankeeda 10-aad oo xariir ah dhamaan tartamada kala duwan waxaana ugu dambeesay October 2007 markaas oo ay 12-kulan isku xigto guuleesteen dhamaan tartamada kala duwan.

Gunners ayayna macquul tahay in ay hiigsato rikoorkan marka laga shidaal qaato bandhiggeeda quruxda badan ee ay samaynaysay 9-kii kulan ee lasoo dhaafay.

Halka ay haddii ay guulaystaan ay ku dhibco noqon doonaan kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin Tottenham Hotspur taas oo 21-dhibcood leh kadib guul ay asbuucan ka qaadatay West Ham United.

Leave a Reply

Your email address will not be published.