Ganacsade lagu dilay Suuqa Xamar weyne

Ganacsade lagu dilay Suuqa Xamar weyne

Isniin, October, 22, 2018(HNN) Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii ku dilay degmada Xamar Weyne mid ka mid ah Ganacsatada degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsadaha la dilay lagu dhex toogtay goobtiisa ganacsi oo ku taal agagaarka Wadada Via Roma, iyadoo goobta ay ka baxsadeen kooxdii dilka geystay

Ganacasadaha la dilay ayaa lagu magacaabayay Maxamed C/qaadir Jeylaani oo caan ka ahaa degmada Xamar Weyne.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan iyo cida ka dambeysay, iyadoo arintan ay qeyb ka tahay falalka amaan daro iyo dilalka macno darada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.