Wasiirka amniga oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday degmada Wada jir

Wasiirka amniga oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday degmada Wada jir

Isniin, October, 22, 2018(HNN) Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Islow Ducaale ayaa sheegay inuu ka xun yahay shaqaaqadii labo maalin ka hor ka dhacday degmada Wada jir ee gobolka Banaadir, kaddib markii ay isku dhaceen Ciidamo Boolis ah iyo maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda dadka degan degmada.

Maxamed Abukar Islow ayaa tilmaamay in baaritaan lagu sameyn doono wixii dhacay, islamarkana loo xil saari doono guddi xaqiiqo raadin ah.

“Guddi xaqiiqo raadin ayaa magacaabi doonaa qolo walba waxbey sheegeysaa, qolo waa nala soo weeraray ayay leeyihiin”ayuu yiri Wasiirka Amniga

Wasiirka amniga ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cidii ay ku cadaato.

“Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.” ayuu yiri wasiirka amniga.

Xiisada ka dhalatay iska hor imaadkii shalay ka dhacay Xaafada Nasteexa ee degmada Wadajir ayaa sababtay in dadka deegaanka ay diidaan in la aaso meydadka dadkii lagu dilay iska hor imaadka, iyagoo ku eedeeyay laamaha ammaanka dowladda inay soo weerareen dadka deegaanka oo la doonayay in xoog lagu barakiciyo.

Dadka deegaanka Xaafada Nasteexa ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay soo weerareen, iyagoo burburin ku sameeyay dhismayaal ku yaalla xaafadaas, waxaana arrintaas ka dhalatay is rasaaseyn dhex martay ciidamadii hoggaaminayay howlgalka burburinta iyo maleeshiyo hubeysan oo deegaanka ah.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in howlgal Ciidamada wadeen ay soo weerareen maleeshiyooyin hubeysan, waxaana howl galkaas lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyaadka hubeysnaa, halka ay dhaawaceen 3 kale, iyadoo askari uu ku dhintay howlgalkaas.

Ciise Cabdi Ciise.

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.