Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deeganno u dhexeeya Hiiraan iyo sh/dhexe

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deeganno u dhexeeya Hiiraan iyo sh/dhexe

Talaaddo, October, 23, 2018(HNN) Ciidamo ka tirsan AMISOM oo isugu jira Burundi iyo Jabuutiyaan oo ay wehliyaan ciidan ka tirsan Xoogga dalka ayaa la wareegay deegaano u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Burundi ayaa ka kala yimid labo jiho oo kala ah degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay.

Deegannada ciidamada  Fiidow oo ku taal xadka gobolada shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, Dhiin Garas, Fiidow, Maquudaale, Killiga Shiinaha iyo tuulooyin kale.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in qorshaha howlgalkan uu yahay sidii la iskugu furi lahaa wadada isku xirta Jowhar iyo Buula burde.

Howlgalkan ayaa imanaya xili dhawaan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  uu ku  dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al shabaab.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.