Ronaldo iyo Isco oo haddalo gaaban isu mariyay saxaafadda! Maxaa jira?

Ronaldo iyo Isco oo haddalo gaaban isu mariyay saxaafadda! Maxaa jira?

Talaaddo, October, 23, 2018(HNN) Laacibka kooxda Real Madrid ee Isco ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan hadda u ooyneyn Cristiano Ronaldo, mar uu ka hadlayay bixitaankii xagaaga.

Ronaldo ayaa dib fiidkii xalay kaga soo jawaabay arrintaas, waxaana uu ku raacay aragtida ah inaan loo ooyin wax lasoo dhaafay.

Labada ciyaaryahan ayaa wareysiyo kala duwan ku sheegay haddallada ku aaddan bixitaankii Weeraryahanka Portugal u dhashay ugu dhaqaaqay Juventus shirarka ka hor kullamada Champions League oo ay caawa kooxahooda kala ciyaari doonaan.

“Real Madrid uma ooyn karto qof aanan dooneyn inuu halkaan joogo” ayuu yiri Isco.

Laacibka Bianconeri ayaa si sahal ah kaga jawaabay mar uu saxaafadda kula hadlay garoonka Old Trafford.

“Add ayaad u fiicantihiin, aad ayaad u fiicantihiin” ayuu yiri CR7, waxaana uu raaciyay “Ma ooyn kartiin”.

Captain-ka Portugues-ka ayaa hadalkiisa soo koobay, waxaana uu iska diiday inuu jawaab waafi ah ka bixiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.