Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay xubin Al-Shabaab ah oo ah Khabiir dhanka Qaraxyada

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay xubin Al-Shabaab ah oo ah Khabiir dhanka Qaraxyada

Arboco, October, 24, 2018(HNN)Ciidamada NISA ayaa shaaciyay in howlgal qorsheysan ka dhacay Muqdisho ay ku qabteen xubin Al-Shabaab ah oo khabiir ku ah dhanka Qaraxyada.

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka NISA howlgalkan ayaa dhacay 23-kii bishan October oo shalay ku beegneyd.

Ma jirin faah faahin kale oo laga bixiyay howlgalkan oo lagu tilmaamay inuu qeyb ka ahaa dadaalada lagu sugayo amniga, loogana hortagayo maleegayaasha qaraxyada.

Muddooyinkii u dambeeyay Barta Twitter-ka NISA ayaa lagu shaacinayay howl galada lagu qabto xubnaha Al-Shabaab, inkastoo qoraalada ay ahaayeen kuwo isku mid ah oo aan tafaasiil dheeraad ah laga bixin howlagalada marka laga reebo in la baahiyo in qof la qabtay kaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.