Diyaarad sida gawaari aan xabadaha karin iyo Ilaalada Taliyihii hore ee NISA oo ka degtay Baydhabo

Diyaarad sida gawaari aan xabadaha karin iyo Ilaalada Taliyihii hore ee NISA oo ka degtay Baydhabo

Qamiis, October, 25, 2018(HNN) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in diyaaradii labaad oo sida gawaari aan xabadaha karin iyo Ciidamo ay ka degtay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud.

Diyaaraddan oo ka duushay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday illaa sodomeeyo Ilaalo hubeysan iyo labo gaari oo kuwa aan xabadaha karin ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada iyo labada gaari ee aan xabadaha karin ay horudhac u yihiin Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo todobaad ka hor iska casilay xilkiisa.

Xuseen Uurkuus ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo la sheegayo inuu yahay ninka labaad ee dowladdu taageereyso.

Maalmo ka hor ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka degtay diyaarad siday Gawaari aan xabadaha karin iyo ciidamo ilaalo ah Wasiirka Tamarta C/casiis Lafta Gareen oo Baydhabo gaaray.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay magaalada Baydhabo ku soo daabuleyso ciidamo iyo gawaari aan xabadaha karin, iyagoo ka digay in la qalqal geliyo doorashada.

17-ka bisha November ee soo socota ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.