Madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada oo olole nadaafadeed ka sameeyay jidadka soo gala wasaaradda

Madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada oo olole nadaafadeed ka sameeyay jidadka soo gala wasaaradda

Qamiis, October, 25, 2018(HNN) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada  Hiddaha iyo tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarshada ayaa maanta  olole nadaafadeed ka sameeyay jidadka soo gala dhismaha wasaaradda waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Ololahan nadaafadda ayaa mid ah mid kor loogu qaadayo bilicda agagaarka dhismaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarshada mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa  shaqaalaha wasaaradda ku dhiri galiyay in maalin kasta oo khamiis ah ay  fuliyaan ololahan nadaafada  kor loogu qaaday bilicda.

“Ololahan nadaafadeed  waa mid muhiim ah oo u baahan in laga wada shaqeeyo dhammaanteen,waxaan idinku dhiri galinayaa in maalin kasta oo khamiis ah  sidan oo kale ololahan uga sameysan goobaha ku hareereysan dhismaha wasaaradda, si kor loog qaado bilicda”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa marka laga soo tago inay dadaal ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka door muhiim ah ka qaadaneysa dib u soo celinta bilicda caasimadda.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.