Madaxda Maamul goboleedyada oo sameystay Xisbi siyaasadeed gaar ah

Madaxda Maamul goboleedyada oo sameystay Xisbi siyaasadeed gaar ah

Qamiis, October, 25, 2018(HNN) Madaxda afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa isku raacay inay sameystaan Xisbi siyaasadeed gaar ah, kaddib markii uu u soo gabagaboobay shir afartii cisho ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe.

Xisbiga siyaasadeed ee ay sameysteen Madaxda afarta dowlad goboleed ayaa loogu magac daray Horusocd Qaran, (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa is bedel lagu sameeyay Hoggaanka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xisbiga Horusocod Qaran ee ay sameysteen Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo ay uga qeyb galayaan doorashada 2020 ee la qorsheynayo inuu noqdo doorasho xisbiyadeed.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.