Curadka Khashoqji oo ka dagay Maraykanka.

Curadka Khashoqji oo ka dagay Maraykanka.

Jimco, October, 26, 2018(HNN) Wiilka u wayn carruur saxafigii la dilay ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashogji ayaa ka dagay dalka Maraykanka isaga oo ka baxay Sacuudiga xubno qoyskiisa ka tirsanna ay weheliyaan.

Saalax Khashoqji ayaan horay awood ugu lahayn in uu ka baxo Sacuudi Carabiya, maadaama oo aabihii uu dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga.

Talaadadii ayaa sawir laga qaaday iyadoo uu u tacsiyaynayo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Jamal Khashqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul saddex toddobaad ka hor.

Maxamed yuusuf cabdulaahi 

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.