Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha oo eedeyn u jeediyay Dowlada Dhexe.

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha oo eedeyn u jeediyay Dowlada Dhexe.

Jimco, October, 26, 2018(HNN) Wasiirkii hore ee arimaha gudaha  xukuumadda  hadda jirta Cabdi Faarax Saciid Juxa oo Magaalada London ku hadlayay ayaa waxaa uu eedo dhinacyo badan leh u jeediyay dowladda Soomaaliya ee uu mar wasiirka ka noqday.

Waxaa uu sheegay in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada howlo badan oo horyala oo uu ku shegay in ay kamid yihiin sugitanaka amniga iyo daadejinta nidaamka federalka ah.

Cabdi Faarax ayaa sheegay in uu jiro isku Milan awoodeed oo Hey’adaha Sharci dejinta iyo fulinta isku milmeen.

Waxaa uu hadalkan Cabdi Faarax ka jeediyay munaasbad ka dhacday Magaalada London, isagoona  dowladda ku eedeyay in ay bur burinayan maamul goboleedyada.

Maxamed yuusuf cabdulaahi 

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.