Sabti, October, 27, 2018(HNN) Xildhibannada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hindise sharciyeedka maamulka iyo maaliyadda (PFM) kaasoo horey u soo maray akhrinta koowaad,waxaana Maanta la filayaa in xildhibaanada golaha shacabka ay marsiiyaan akhrinta labaad.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii waxa ay kulmaan Saddex jeer oo kala ah Sabti, Asniin iyo Arbaco marka laga reebo kulamada deg dega ah,waxaana haatan horyaalka Ajandayaal dhowr ah.