Arsene Wenger Oo Ugu Cad-Cad In Uu Tababare U Noqdo Kooxda Ac Milan

Arsene Wenger Oo Ugu Cad-Cad In Uu Tababare U Noqdo Kooxda Ac Milan

Sabti, October, 27, 2018(HNN) Wargayska la Repubblica ayaa saaka oo sabti ah sheegaya in tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ku biiray Liiska tababarayaasha u sharaxan in ay tababare u noqdaan kooxda Ac Milan shaqadana ka badalo tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Gennaro Gattuso.

Gennaro Gattuso Ayuu xaalku ku sii adkaatay kadib markii ay kooxda Ac Milan la kulantay 2 guuldaro oo xiriir ah oo ay kala kulantay Inter Milan oo horyaalka Serie A-da ah iyo Real Betis oo Europa League ah.

Wargayska ayaa sheegaya in madaxda sare ee kooxda Ac Milan wada fadhiisatay kadib kulankii khamiistii ay guuldaradu kooxda ka soo gaadhay Real Betis ee tartanka Europa League.

Madaxda kooxda ayaa go,aan ka gaadhay xaalka tababaraha oo ah xiddigii hore ee kooxda waxana ay haatan kala dooran doonaan Liis ay ku jiraan 3 tababare si ay ugu badalaan tababare Gennaro Gattuso.

Liiska ayuu ugu sareeyaa Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger kaas oo bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Arsenal dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.