Axmed Madoobe oo ka hadlay isku dhafka Ciidamada M/ Gobaleedyada.

Axmed Madoobe oo ka hadlay isku dhafka Ciidamada M/ Gobaleedyada.

Sabti, October, 27, 2018(HNN) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay u  leedahay Maamulkiisa isku dhafka ciidamada daraawiishta Maamul Gobaleedyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ugu saari lahaayeen Deegaano ka tirsan Gobalada jubooyinka iyo Gedo oo qeybo badan oo ka mid ah ay joogaan  Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu tilmaamay in Amniga ay wax badan ka qaban doonaan, islamarkaana saacadaha soo aadan ay weerar ku yihiin Deegaano ka tirsan gobalada jubooyinka iyo Gedo.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu ku soo  aadayaa xili Dhawaan madaxda Maamul Gobaleedyada shir ku yeesheen magaalada Garoowe ay ku iclaamiyeen in ay sameystaan ciidamo isku dhaf ah, kuwaasi oo loogu tala galay sidii ay ugu hortagi lahaayeen Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Gobalada Dalka.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.