Conte oo shaqada Real Madrid ka beddeli doonna Julen Lopetegui, heshiis 98% la dhammeystiray!

Conte oo shaqada Real Madrid ka beddeli doonna Julen Lopetegui, heshiis 98% la dhammeystiray!

Sabti, October, 27, 2018(HNN) Waxaa lagu soo warramayaa in Macallin Antonio Conte 98% uu yahay tababaraha xiga ee Real Madrid kaasoo beddeli doona Julen Lopetegui.

Conte ayaa shaqo la’aan ah tan iyo xagaagii, xilligaas oo ay Chelsea kasoo ceyrisay shaqada tababarennimo iyagoo beddelkiisa ka dhigtay Maurizio Sarri.

Shaqooyin kala duwan ayaa lala xiriiriyay oo ay ku jiraan kuwa uu ka qabanayo dalkiisa Taliyaaniga, hase ahaatee, hadda waa musharraxa ug cadcad ee qaban doona booska Julen Lopetegui.

Macallin Lopetegui ayaa cadaadis badan uu saaranyahay, maadaama keliya hal guul uu gaaray lixdii kullan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada.

Weeraryahankii hore ee qaranka Poland, Artur Wichniarek ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in saaxiibkiisa Roberto Kralj oo ay Conte ku wada suganyihiin Masar uu u sheegay in heshiiska macallinkan iyo Real Madrid 98% (98 boqolkiiba) la dhammeeyay.

Warka uu Twitter-ka kusoo qoray Wichniarek waxaa sii faafiyay (re-tweet) khabiirka ciyaaraha reer Spain ee Guillem Balague.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.