Maxaad ka taqaanaa ciyaryahanada Barcelona iyo Real Madrid gool ugu dhalisay El Classico.

Maxaad ka taqaanaa ciyaryahanada Barcelona iyo Real Madrid gool ugu dhalisay El Classico.

Sabti, October, 27, 2018(HNN) Waxaa jira ciyaartoy faro ku tiris ah kuwaasoo El Classico kasoo muuqday iyagoo u wada ciyaaray labada koox waqtiyo kala duwan.

Si la mid ah waxaa jira keliya Afar ciyaaryahan oo gool dhaliyay iyagoo wada xiran maaliyadda Real Madrid iyo midda Barcelona taariikhda kullanka weyn ee El Classico.

Samitier, Luis Enrique, Luis Figo iyo Ronaldo Nazario ayaa afarta ciyaaryahan ee goolal u wada dhaliyay labada koox iyagoociyaaraya kullanka El Classico.

1- Samitier

Waxa uu Hal gool u dhaliyay Barcelona, Saddexna Real Madrid, taasoo wadar ahaan ka dhigeysa in El Classico uu 4 gool ka dhaliyay.

2- Luis Enrique

Waxa uu Hal gool u dhaliyay kooxda Real Madrid, halka Afar kale uu u dhaliyay Barcelona, guud ahaanna Shan gool ayuu El Classcio ka dhaliyay.

3- Ronaldo

Waxa uu Hal gool u dhaliyay Barcelona, hase ahaatee Afar kale ayuu u dhaliyay Real Madrid, wadar ahaanna Shan gool oo El Classico ah ayuu heystaa.

4- Luis Figo

Waxaa uu Hal Gool u dhaliyay Real Madrid, Saddexna Barcelona, guud ahaanna waxa uu dhaliyay Afar gool oo kullankan taariikhdiisa ugu jirta.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.