Shirka iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Muqdisho

Shirka iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Muqdisho

Sabti, October, 27, 2018(HNN)  shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay martigalineysa shirka ururka iskaashiga Islaamka, waxana ka qeyb galaya inta badan dalal ku bahoobay ururkan oo ka kooban 15 dal.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii shalay gaaray  wafdi ka socda dalalka Turkiga, Malaysiya iyo Sacuudiga, iyadoona maanta lagu wado inay soo gaaran wafuud kale.

Shirarkii 44aad iyo 45aad ee wasiirada arrimaha dibada Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ayaa horay loogu go’aamiyay in shirkaasi lagu qabto Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.