DAAWO SAWIRADA: EFASOM oo tababar ku qabatay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle

DAAWO SAWIRADA: EFASOM oo tababar ku qabatay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle

Axad, October, 28, 2018(HNN) Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay kulan ku saabsan kor u qaadida tayada waxbarashada iyadoo ay ka qeyb galeen xubno ka socda bahda waxbarashada iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Kulankan oo socday muddo labo maalin ah iyadoo ka qeyb galayaasha ay ka doodeen qaabka lagu horumarin karo tayada waxbarashada dalka.

Hay’adda EFASOM ayaa soo qaban qaabisay tababarkan waxana ka qeyb galay 30 ruux oo kala socda bahda waxbarashada, waalidiin. Macalimiin iyo xubno ka socda maamulka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha degmada Jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe Mudane Cisman Maxamed Muqtaar (Cismaan Baarey) ayaa kula dardaarmay xubnaha ka qeyb galay kulankan inay bulshada inteeda kale la wadaagan waxyabaha ay ku barteen mudadii labada maalin ee barnaamikan socday.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo dhaliinyarada Isbortiga ee dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Muumin Tuure Cabdullaahi ayaa sheegay in tayada waxbarashada kor loo qaadi karo hadii la helo, Saacadaha waxabarashada, Macallin fiican, Goob Fiican, Muqarar tayo leh iyo Jadwal shaqo.

Intaa kadib waxaa bilaabaatay doodii ku saabsaneed Sare u qaadid tayada waxbarashada dugsiyadda waxaan loo kala saaray ka qeybaglayaasha 3 kooxood koox kastana waxaa loo dhiibay su’aalo si ay jawaab uga soo bixiyaan waxayna u dhacday shaqo Kooxeedkii sidatan:-

Kooxda 1aad:
waxay ka doodeen su’aasha ah, waa maxay caqabadaha hortaagan tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Hirshabelle?
Qodobada doodda kasoo baxay waxay kala yihiin sidatan:

1 Manhajka oo aan mideysneyn, sida buugaagta iyo luqadda wax lagu dhigaayo
2. Dhiirio gelin la’aan iyo tababar macalimiin la’aan.
3. Agab waxbarasho oo aan jirin sida Laab IWM
4. Amni Xumo
5. Waxbarashada oo lacag ah.
6. Higsi la’aan
7. Qaar ka mid goobaha waxbarashada oo aan ku habooneyn waxbarasho.
8. Xiriir la’aan ka jirto Dugsiyada.

Talo soo jeedinta wax laga qaban karo caqabadahaas
In la helo luqadda wax lagu dhigaayo oo ku mideysan afka hooyo.
In la helo mushaar ku filan macallinka iyo tababaro macallin oo joogto ah
In la helo agab waxbarasho oo dhan waliba ah
In la helo amni iyo goobo amni ah oo wax lagu barto dalka oo dhan.
In waxbarashada dalka ay noqoto mid lacag la’aan.
In la helo meel uu hiigsado ardayga haddii uu wax barto sida fursado shaqo.
In la helo goobo waxbarasho oo ku habboon waxabarshada sida Musqulo, Kuraas, Miisas IWM.
In xiriir yeeshaan dugsiyada oo dhan si loo xakameeyo beddelka ardada joogtada ah.

Kooxda 2aad:
Sidee lagu horumarin karaa tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Hirshabelle?
In la helo system ama qaab dhismeed mideysan kaasoo ah manhaj mideysan oo Soomaali ah.
Waa in macallimiinta mushaaar joogto ah loo helaa iyo tababar joogto ah.
Waa in waalidiinta iyo macallimiinta wada shaqeyn joogto ah yeeshaan.
Waa in waxbarashada lix maalin oo joogto ah socotaa.
Xisaddu waa inay noqotaa 45 daqiiqo.
Macallinku waa inuu lahaadaa cashar diyaarin, laga hubiyo subax waliba, gaar ahaan xafiiska maamulka.
Waa in xiriir joogta ah ka dhaxeeyaa maamulayaasha dugsiyada si loo hubiyo akhlaaqda ardayda.
Waa in loo helaa ardada dugsiga sare sheybaar ama lab.
Waa in waxbarshada laga dhigaa lacag la’aan.

Kooxda 3aad:
Sidee waxbarashada looga dhigi karaa mid dhammaan carruurta ay u siman yihiin si aan heyb sooc laheyn, mid ladan, mid sabool ah, mid naafo ah, gabar iyo wiil?
In wacyegelin loo sameeyo bulshada si loo helo arday mideysan laguna dhiiro geliyo waxbarashada iyo wax tarkeeda loona gaaro mustaqbal wanaagsan
In waxbarsho lacag la’aan loo helo ardada.
In loo sameeyo guddi waxbarasho oo kormeera habsami u socodka hannaanka waxbarashada.
In loo helo manhaj mideysan oo dhaqan gala.
In loo helo dhar mideysan oo ka tarjumaayo sinnaanta ardayda, laguna ilaaliyo.
In arday waliba soo jeedin karo fikirkiisa si uu u muujiyo waxa uu tabanaayo.
In loo helo caddaalad si ay u gaaraan hadafkooda oo aan heyb sooc laheyn.
Maadaama saboolnimo jirto, haddii loo heli karo quudin kafaalo qaada ardayga lagana helaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Sidoo kale maalinta labaad ayaa ka qeyb galayasha loo kala qeybiyay saddex qeybood oo kala ah

Kooxda 1aad.

Side sare loogu qaadi karaa tayada macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada hoose/Dhexe iyo Sare ee Deeganada Hirshabelle?
1. In la baahi tiro macallinka si uusan uga fakarin gadaal sida: Guriga IWM
2. In la helo xarumo lagu tababaro macallimiinta sida Xaruntii Xalane , Machadkii Macallimiinta Kulliyadda Lafoole.
3. In uu leeyahay taqasus maaddo
4. In lagu kormeero waxbarashadiisa si tayadiisa waxbarasho u kororto.
5. In lagu abaal mariyo macallinka waxqabadkiisa waxbarasho.

Kooxda 2aad:
Sidee lagu horumarin karaa maamulka iyo maareynta dugsiyada hoose,Dhexe iyo Sare ee deeganada Hirshabelle?
1. In la helo guddoon waxbarasho heer gobol iyo heer degmo.
2. In la helo kormeer waxbarasho oo joogto ah, aqoon iyo khibrad u leh howsha macallimiintana dabagal ku sameeyo.
3. Waa in Maamulka waxbarasho ee dugsiyada ay imtixaan ku yimaadaan ,Islamarkaana lahaadaan khibrad aqoon maamul.
4. Ku xigeenada iskuulada waa inay ku yimaadaan aqoon iyo waayo aragnimo.
5. Waa inuu jiraa waajibaad qoran ee maamulka dugsiga.
6. Waa inay jirtaa Wada shaqeyn joogta ah oo ka dhaxeyso maamulka dugsiga, islamarkaana shaqooyinkooduna ay kala cad yihiin.

Kooxda 3aad. Su;aal 1aad
Sidee lagu heli karaa warbixino sax ah eek u saabsan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada Hirshabelle?

a. In lagu sameeyo kormeer joogto ah ee guddiga waxbarashada ee deeganada ku sameeyaan goobaha waxbarashada si ay u ogaadaan habsami u socodka manhajka waxbarashada loo qoondeeyay si loo helo arday tayo leh, akhlaaqna leh.
b. In la helo xog iyo nidaam ka tarjumaayo xaqiiqda iyo dhammeystirka saacadaha la joogo dugsiyada.
c. Xirriirka maamulka iyo macallimiinta iyo guddiga waalidka noqodo mid caddaalad ah.
d. In laga sheego xaqiiqda jirta oo aan aheyn mid laablakac ah iyo aragti aan fulin laheyn.
Suaal 2aad: Sidee lagu mideyn karaa imtixaanadda Dugsiyada Dhexe ee Dalka? (Fasalka 8aad)
A. in la helo manhaj mideysan
b. Haddii la helo maamul mideysan iyo tiro koob sax ah waxaa fududaanaayo in la helo goobaha waxbarasho iyo mideyn imtixaaneed.
C. In la helo barayaal khibrad leh dejinta imtixaanka si uu u qanco arday waliba kuna farxo natiijadiisa.

Cabdulle Saney Omar oo ah Agaasimaha Waxabarshada shirkadda Farjano kaaso marka hore Alle u mahad celiyey, dabadeed hay’adda EFASOM iyo Kasoo qeyb galayaasha dhammaan, casharadii iyo dooddii labada maalmood waxaan ka kororsanay wax yaabo badan, marka waxaa lagama maarmaan ah in aan aad uga shaqeyno tayeynta waxbarashada, waxbarashada biyo deys bay leedahay in kastoo wax badan la qabtay, sideedaba waa in laga joojiyaa koorsada meel waliba oo soomaaliya ka mida sidaa darteed waa in muqarar loogu talo talo galay sagaal bilood laguma dhammeyn karo 2 bilood. Sidaas darteed waa in aan ka fakarnaa, ardaygii wuxuu galayaa Jaamacadda isagoo aan dhisneyn.

Xisadaha waa inay noqdaan 45 daqiiqo, maalmaha waxbarashada waa inay noqdaan 6 maalmood laga bilaabo Sabti ilaa Khamiis, ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyey kasoo qeyb galayaasha.

Ruqiyo Muse Sheekh Xasan, waxay u mahadcelisay hay’adda EFASOM iyo kasoo qeybgalayaasha.

“Aniga waxaan ka tirsanahay macalliimiinta Go to school, waxaana ahay maamule ku xigeenka Iskuulka Sheikh Hussein Adde, qeybta go to school, waxaan ka codsnayaa in hay’adda EFASOM ay kordhiso siminaarada sidaan oo kale” ayay tiri Ruqiyo.

Talo soo jeedin
1. In aqoon is weydaarsiga la badiyo
2. In la gaarsiiyo tababarada deeganada Hirshabelle.
3. In macallimiinta Goobo kale duwan lagu soo tababaro.
4. In maalmaha tababarka la kordhiyo.
5. In waalidiinta dugsiyada la siiyo tababaro ku saabsan dhinac waxbarshada si ay ugu dadaalaan carruurtooda.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.